Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxaa maanta ka qabsoomay Shirka Dib-u-eegista Waxqabadka Barnaamijka Xakamaynta Duumada ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay, kaas oo diiradda lagu saaray laguna falanqayay xogta cudurka duumada
Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiinta ka socday gobollada Bari, Raas Caseyr, Karkaar, Nugaal, iyo Mudug, kuwaas oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda duumada ee gobolada, guulihii la gaaray, iyo caqabadihii la kulmay muddadii saddexda bilood ahayd.
Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo xoojin lahaa dadaallada ka hortagga iyo xakamaynta cudurka, kor loogu qaadi lahaa tayada xogaha caafimaadka, loona dardargelin lahaa adeegyada la xiriira baarista, daaweynta iyo wacyigelinta bulshada.
Dr. Cabdikariin Xuseen Xasan Madaxa Barnaamijka Xakamaynta Duumada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, ayaa ka hadlay shirka, isagoo faahfaahiyey guulaha la gaaray muddadii la soo dhaafay.
Waxa uu xusay in la xoojiyey la socodka iyo falanqaynta xogta duumada, kor loo qaaday dadaallada ka hortagga cudurka, isla markaana la sii ambaqaadi doono qorshayaasha lagu yaraynayo saameynta duumada ee bulshada
Puntland.
Dr Ali Hassan Mohamed oo ka socday Hay’adda UNICEF ayaa sheegay in shirkaan dib u eegistu uu muhiimad wayn leeyahay gaar ahaan dhinaca xogta duumada isagoo bogaadiyey shaqooyinka laga qabtay xakamaynta Cudurka duumada.
Abdirisaaq Abshir Xirsi Agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah ee wasaaradda caafimaadka oo shirka furay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dib-u-eegista joogtada ah ee waxqabadka Barnaamijka Xakamaynta Duumada. Wuxuu sheegay in falanqaynta xogta iyo qiimeynta waxqabadku ay saldhig u yihiin qorsheynta adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana ay gacan ka geysanayaan ogaanshaha caqabadaha jira iyo dejinta xalal wax ku ool ah.
Shirkan dib-u-eegista ah ayaa qeyb ka ah kulamada joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ku qiimeyso waxqabadka barnaamijyada caafimaadka, si loo horumariyo adeegyada loona xaqiijiyo in bulshada Puntland ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: Ministry of Health Puntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland.