Wafdi ka socday Bangiga Horumarinta Jarmalka (KfW) iyo Hay’adda UNICEF ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad oo muhiim ah oo ku yaalla Gobolka Nugaal
Wafdiga KfW waxaa hoggaaminayay Janis Müller-Späth, Portfolio Manager – Governance, Stabilization and Water for Eastern Africa and the African Union ee KfW Development Bank. Wafdiga UNICEF waxaa ka mid ahaa Dr. Khadija Ahmed Abdalla, Health Manager, UNICEF Somalia, Edith, Madaxa Xafiiska UNICEF ee Garoowe, iyo Zighe, Health and Nutrition Section Manager.
Kormeerka ayaa waxaa dhinaca Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ku weheliyay Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Ku-simaha Agaasimaha Adeegyada Caafimaadka, Mudane Cabdifitaax Maxamuud, La-taliyaha Wasaaradda, Mudane Idiris Cabdulqaadir, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Ujeeddada Kormeerka ayaa ahayd in wafdigu si dhow ugu kuurgalaan maalgashiga KfW ku samaysay kaabeyaasha caafimaadka Puntland iyo saameynta uu ku yeeshay tayada adeegyada caafimaadka ee bulshada.
Booqashadu waxay ka bilaabatay Xarunta Gobolka Nugaal ee Wasaaradda Caafimaadka, halkaas oo Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Nugaal, Mudane Maxamed Jaamac, uu wafdiga ku soo dhoweeyay kana siiyay warbixin ku saabsan xaaladda caafimaadka gobolka, adeegyada la bixiyo iyo doorka xafiiska gobolka ee isku dubbaridka hawlaha caafimaadka.
Intaa ka dib, wafdigu waxay booqdeen Isbitaalka Guud ee Garoowe, oo ka mid ah isbitaallada uu Bangiga Horumarinta Jarmalka (KfW) maalgeliyay dhismahooda iyo qalabayntooda, iyadoo KfW ay sidoo kale taageertay dhismaha iyo qalabaynta Isbitaallada Burtinle, Bacaadweyn iyo Galdogob. Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Garoowe, Dr. Hodan Cali Shire, ayaa wafdiga uga warbixisay adeegyada caafimaadka ee isbitaalku bixiyo, horumarka laga gaaray adeegyada, iyo sida bulshada ay uga faa’iidaysanayso maalgashiga lagu sameeyay kaabeyaasha caafimaadka.
Sidoo kale, wafdigu waxay booqdeen Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee Gargaarka (MCH Gargaarka) iyo Kaydka Cold Chain ee Wasaaradda Caafimaadka, halkaas oo ay ku kormeereen adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka iyo nidaamka kaydinta tallaallada, iyagoo qiimeeyay horumarka laga gaaray tayada adeegyada iyo xoojinta nidaamka caafimaadka.
Kormeerkan ayaa muujinaya iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Bangiga Horumarinta Jarmalka (KfW) iyo Hay’adda UNICEF, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta kaabeyaasha caafimaadka, tayeynta adeegyada iyo xaqiijinta in bulshada Puntland ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.


















































DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland See less
See less