Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamad Cabdiraxmaan Maxamed(Faroole), ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Bangiga Horumarinta Jarmalka (KFW) iyo Hay’adda UNICEF, kaas oo uu hoggaaminayay Janis Müller-Späth, Portfolio Manager – Governance, Stabilization and Water for Eastern Africa and the African Union ee KfW Development Bank
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa Dr. Khadiija Axmed Cabdalla, Health Manager UNICEF Somalia, Edith oo ah Madaxa Xafiiska UNICEF ee Garoowe, iyo Zighe oo ah Health and Nutrition Section Manager.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Axmed Cismaan, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cismaan.
Intii uu kulanku socday, Wasaaradda Caafimaadka ayaa wafdiga siisay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda caafimaadka Puntland, horumarrada la taaban karo ee laga gaaray adeegyada caafimaadka, iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee Wasaaraddu hiigsanayso inay hirgeliso muddada soo socota. Waxa kale oo la wadaagay dadaallada lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka, ballaarinta adeegyada aasaasiga ah, horumarinta kaabeyaasha caafimaadka, iyo kor u qaadista awoodda shaqaalaha caafimaadka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka, KFW iyo UNICEF, iyadoo laga wada hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee socda iyo fursadaha cusub ee lagu taageeri karo adeegyada caafimaadka si ay u gaaraan bulshada ku nool dhammaan deegaannada Puntland.
Bangiga Horumarinta Jarmalka ee KFW ayaa door muhiim ah ka qaatay horumarinta kaabeyaasha caafimaadka Puntland, isagoo maalgeliyay dhismaha iyo qalabaynta Isbitaallada Garoowe, Burtinle, Bacaadweyn iyo Galdogob. Mashaariicdan ayaa si weyn uga qayb qaatay ballaarinta adeegyada caafimaadka, kor u qaadista tayada daryeelka caafimaad iyo fududeynta helitaanka adeegyada caafimaad ee bulshada.
Dhammaadkii kulanka, labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqaynta iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka, KFW iyo UNICEF, si loo xaqiijiyo horumar waara oo laga gaaro adeegyada caafimaadka, loona xoojiyo fayo-qabka iyo caafimaadka bulshada Puntland.
Kulanka waxaa sidoo ka qaybgalay Kusimaha agaasimaha guud Ahna agaasimaha caafimaadka Asaasiga ah, qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda iyo lataliyaal.
























DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland