Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda PSI ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Nidaamka Casriga ah ee Maaraynta Xogta Keydadka Daawooyinka iyo Agabka Caafimaadka Puntland (Integrated Pharmaceutical Warehouse Inventory Management System), kaas oo qayb ka ah hirgelinta Mashruuca Damal Caafimaad
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), oo ay weheliyeen Wasiir Ku-xigeenka Maryan Osmaan Ahmed iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cali Mohmed Osman.
Cabdifitaax Muufo, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Adeegyada Caafimaadka, ahna madaxa saadka daawada ayaa ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray hirgelinta nidaamkan iyo muhiimadda uu u leeyahay maamulka keydadka daawooyinka iyo agabka caafimaadka ee Puntland. Waxa uu uga mahadceliyey Hay’adda PSI taageerada ay ka geysatay hirgelinta nidaamkan casriga ah ee lagu tayeynayo laguna casriyeynayo habraacyadii hore ee maamulka saadka caafimaadka.
Sido kale Cabdiraxmaan Ibraahim, oo ah Madaxa Saadka ee Hay’adda PSI, ayaa si qotodheer uga warbixiyey nidaamka, isaga oo sharaxaad ka bixiyey qaybihiisa kala duwan, habka uu u shaqeeyo iyo muhiimadda uu u leeyahay hagaajinta maaraynta daawooyinka, agabka caafimaadka iyo hantida kale ee xarumaha dowladda Puntland.
Dhankiisa, Madaxa Hay’adda PSI ee Puntland, Cabdiqani Xiris, ayaa sheegay in PSI ay ku faraxsan tahay taageerada ay ka geysaneyso hirgelinta nidaamkan cusub. Waxa uu tilmaamay in nidaamkani door weyn ka qaadan doono hagaajinta maamulka dawooyinka, kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka iyo xaqiijinta in dawooyinka muhiimka ahi si joogto ah u gaaraan xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri:-
“Nidaamkani wuxuu noqonayaa tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo maamulka saadka caafimaadka isla markaana lagu xoojinayo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh. Waxa uu sidoo kale awood u siinayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha ay khusayso inay si joogto ah ula socdaan heerka kaydka, isticmaalka, qaybinta iyo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee hantida iyo saadka caafimaad ee dowladda Puntland, taas oo sare u qaadaysa isla xisaabtanka, hufnaanta iyo tayada adeegyada caafimaadka.”
Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka socday Mashruuca Damal Caafimaad, Hay’adda PSI iyo bahwadaagta kale ee taageera horumarinta adeegyada caafimaadka Puntland.






















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland