Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed (Faroole), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda WHO

08 Jun

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Mohamad Abdirahman Mohamed (Faroole), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda WHO

Shirka ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Maryan Cismaan Axmed, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cismaan, iyo Agaasimaha Guud, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig.

Kulanka ayaa ahaa is-xogwaraysi ku saabsan mashaariicda caafimaadka ee ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Wasaaradda Caafimaadka iyo WHO, iyo sidoo kale qorshayaasha socda ee la xiriira caafimaadka iyo nafaqada.

Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) ayaa masuuliyiinta WHO la wadaagay qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda, isagoo si gaar ah u tilmaamay dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada caafimaadka iyo tayayntooda. Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo lana sii laba jibbaaro wada-shaqaynta iyo hawlaha socda si loo gaaro natiijooyin waara oo bulshada anfaca.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment