Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Cismaan Maxamed (Fangase), ayaa maanta furtay Shirka Dib-u-eegista Saadka iyo Agabka Caafimaadka (PSM) ee Puntland

07 Jun

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Cismaan Maxamed (Fangase), ayaa maanta furtay Shirka Dib-u-eegista Saadka iyo Agabka Caafimaadka (PSM) ee Puntland

Shirka waxaa ka qaybgalay Kusimaha Agaasimaha Adeegyada Caafimaadka ahna Madaxa Maamulka Agabka iyo Saadka ee Puntland, Mudane Cabdifataax Maxamed Maxamuud (Muufo), iyo sidoo kale Mudane Cali Xasan oo ka socday hay’adda UNICEF.

Kusimaha Agaasimaha Adeegyada Caafimaadka ahna Madaxa Maamulka Agabka iyo Saadka ee Puntland, Mudane Muufo, oo ka hadlay munaasabadda furitaanka shirka ayaa yiri:

“Maanta waxaa inoo furmay Shirka Dib-u-eegista Agabka iyo Saadka Caafimaadka Puntland. Shirkan waa mid ka mid ah shirarka ugu muhiimsan ee Wasaaraddu qabato, waxaana lagu falanqeeyaa xogaha saadka caafimaadka ee soo xarooda. Waxa lagu qiimeeyaa waxqabadka masuuliyiinta gobollada, isla markaana looga arrinsadaa caqabadaha jira iyo sidii xal loogu heli lahaa. Waxaan ku ammaanayaa masuuliyiinta gobollada shaqada wanaagsan ee ay hayaan iyo dadaalka ay geliyeen tayeynta xogta saadka caafimaadka.”

Mudane Cali Xasan oo ka socday hay’adda UNICEF ayaa isaguna sheegay:

“Waxaan idinku bogaadinaynaa shaqada qiimaha badan ee aad qabataan. Waxaa si weyn loo qiray in Puntland ay tahay meesha ugu horreysa ee dalka laga helo xogaha saadka caafimaadka oo dhammaystiran, la isku halayn karo, kana yimaada in ka badan 400 oo xarumood caafimaad. Shaqadiinnu waa tiirka qorshaynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, iyo odoroska sahayda caafimaadka Puntland. Waana idinku ammaanaynaa dadaalka aad ku bixiseen tayeynta xogta iyo maamulka saadka caafimaadka. Waxaan rajaynaynaa in hoggaanka Wasaaraddu sii xoojin doono adeegsiga xogtan si loogu horumariyo adeegyada caafimaadka Puntland.”

Marwo Maryan Cismaan Maxamed (Fangase), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ahna Kusimaha Wasiirka, oo si rasmi ah u furtay shirka ayaa tiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idinkala qayb galo furitaanka shirkan dib-u-eegista saadka iyo agabka caafimaadka Puntland ee lixdii bilood ee la soo dhaafay. Kulankan waxaa lagu soo bandhigay xogihii la ururiyey, waxaana sidoo kale lagu saxayaa khaladaadkii jiri kara si loo helo xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo.”

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Mudane Muufo, Mudane Gaacir iyo dhammaan masuuliyiinta gobollada dadaalka ay geliyeen horumarinta nidaamka xogta saadka caafimaadka. Waxaa muuqata horumar la taaban karo oo laga sameeyey qaybta xogta saadka ee Wasaaradda, waxaana rajaynayaa inaad sii labanlaabi doontaan dadaalladiinna si loo gaaro horumar intan ka sii weyn.”

Shirka waxaa ka soo qaybgalay madaxda saadka iyo agabka caafimaadka ee gobollada Puntland, agaasimayaasha isbitaallada waaweyn ee Puntland, madaxda barnaamijyada Wasaaradda Caafimaadka, iyo hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment