07
Jun
Xafiiska Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Nugaal ayaa maanta qabtay tababar ku saabsan xoojinta adeegyada talaalka, kaas oo ay ka qayb galeen shaqaalaha xarumaha caafimaadka aasaasiga ah (PHUs) ee degmooyinka Gobolka Nugaal
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray habraacyada saxda ah ee bixinta talaallada, maamulka iyo kaydinta talaalka, iyo guud ahaan maaraynta barnaamijyada talaalka. Sidoo kale waxaa ka faa’iidaystayaasha lagu baray jadwalka talaalka ee kooxaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan carruurta laga bilaabo dhalashada ilaa 5 sano jir, carruurta 5 ilaa 15 sano jirka ah, iyo haweenka uurka leh.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka ee lagu xoojinayo tayada adeegyada talaalka iyo kor u qaadidda caafimaadka bulshada.


DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland