Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryam Osman Ahmed (Fangase), oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Mudane Cali Maxamed Cismaan iyo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka shaqaalaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, oo kulanka furay ayaa shaqaalaha la wadaagay ujeeddada kulanka,kaasoo daarnaa sidii la iskaga xog waraysan lahaa shaqada socota iyo waxyaabaha soo kordhay oo lagu hormarinayo shaqada iyo adeega bulshada loo hayo.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta waqtiga shaqada, xoojinta anshaxa shaqaalaha, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo hirgelinta nidaamka casriga ah ee Biometric Attendance System, kaas oo markii ugu horreysay laga hirgeliyey Wasaaradda si loo xoojiyo la socodka xaadirista iyo joogtaynta shaqaalaha.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa kulanka ka jeedisay qodobo muhiim ah oo la xiriira horumarinta shaqada Wasaaradda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
Hirgelinta nidaamka Biometric-ka si loo xoojiyo maamulka shaqaalaha
Xoojinta shaqo hufan oo ku dhisan isla xisaabtan
Ilaalinta waqtiga shaqada iyo kor u qaadista wax-soo-saarka shaqaalaha
Dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada hoggaanka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ku xoojinayaan tayada maamulka, hufnaanta shaqada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka ee bulshada loo hayo.










DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland