Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryam Cismaan Axmed (Fangase), oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Cismaan iyo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adda World Vision International (WVI) xafiisyadeeda Puntland iyo Nairobi
.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nafaqada ee Puntland, horumarka laga sameeyey adeegyada nafaqada, iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda iyo hay’adda WVI si loo sii dardargeliyo adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ee bulshada.
Masuuliyiinta WVI ayaa Wasaaradda ku ammaanay dadaallada ay ka waddo horumarinta adeegyada nafaqada, iyagoo xusay in dhammaan xarumaha nafaqada ee ay booqdeen ay yihiin kuwo shaqaynaya, habaysan, isla markaana bixiya adeegyo tayo leh oo bulshada loogu adeego.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda, kuwaas oo warbixinno ka bixiyey xaaladda nafaqada, guulaha la gaaray iyo caqabadaha u baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo.
Gabagabadii kulanka, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda ayaa uga mahadcelisay WVI taageerada joogtada ah ee ay siiso waaxda caafimaadka Puntland, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga lagu horumarinayo caafimaadka iyo nafaqada bulshada Puntland.



















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland