Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryan Cismaan Maxamed (Fangase), ayaa maanta soo xirtay Shirka Dib-u-eegista Xogta Caafimaadka (HMIS) ee Puntland
Shirka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Adeegyada Caafimaadka Aasaasiga ah, Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi, Kusimaha Agaasimaha Qorshaynta ahna Madaxa Maareynta iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Puntland, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cartan, iyo sidoo kale Mudane Cali Xasan oo ka socday hay’adda UNICEF.
Kusimaha Agaasimaha Qorshaynta ahna Madaxa Maareynta iyo Maamulka Xogta Caafimaadka Puntland, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cartan, oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka shirka ayaa yiri:
“Maanta waxaa inoo soo xirmaya Shirka Dib-u-eegista Xogta Caafimaadka Puntland. Shirkan waa mid ka mid ah shirarka ugu muhiimsan ee Wasaaraddu qabato, waxaana lagu falanqeeyaa xogaha caafimaadka ee soo xarooday, lagu qiimeeyaa waxqabadka masuuliyiinta gobollada, isla markaana looga arrinsadaa caqabadaha jira iyo sidii loo xallin lahaa. Waxaan ku ammaanayaa masuuliyiinta gobollada shaqada wanaagsan ee ay hayaan iyo dadaalka ay geliyeen tayeynta xogta caafimaadka.”
Mudane Cali Xasan oo ka socday hay’adda UNICEF ayaa isaguna sheegay:
“Waxaan idinku bogaadinaynaa shaqada qiimaha badan ee aad qabataan. Waxaa si weyn loo qiray in Puntland ay tahay meesha ugu horreysa ee dalka laga helo xog caafimaad oo dhammaystiran, la isku halayn karo, kana timaadda in ka badan 400 oo xarumood caafimaad. Shaqadiinnu waa tiirka qorshaynta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka, waana idinku ammaanaynaa. Waxaan rajaynaynaa in hoggaanka Wasaaraddu sii xoojin doono adeegsiga xogtan si loogu horumariyo adeegyada caafimaadka Puntland.”
Marwo Maryan Cismaan Maxamed (Fangase), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ahna Kusimaha Wasiirka, oo si rasmi ah u soo xirtay shirka ayaa tiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idinkala qayb galo xiritaanka shirkan dib-u-eegista xogta caafimaadka Puntland ee lixdii bilood ee la soo dhaafay. Kulankan waxaa lagu soo bandhigay xogihii la ururiyey, waxaana sidoo kale lagu saxayaa khaladaadkii jiri kara si loo helo xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo.”
“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Mudane Cabdirisaaq Cartan iyo dhammaan masuuliyiinta gobollada dadaalka ay geliyeen horumarinta nidaamka xogta caafimaadka. Waxaa muuqata horumar la taaban karo oo laga sameeyey qaybta xogta Wasaaradda, waxaana rajaynayaa inaad sii labanlaabi doontaan dadaalladiinna si loo gaaro horumar intan ka sii weyn.”






















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland