Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryam Cismaan Axmed (Fangase), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay Shaybaarka Guud ee Puntland, halkaas oo ay ka socoto dib habayn looga shaqayn siinayo loona hagaajinayo qayb xumayd oo qalab cusub loo keenay
Kormeerka Wasiir Ku-xigeenka ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxa Shaybaarka Guud ee Puntland, Mudane Maxamuud Maxamed Xuseen, oo warbixin ka siiyay heerka ay marayso dib-u-habaynta iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada shaybaarka.
Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda shaqooyinka socda iyo xaqiijinta in dib-u-habayntu ay gacan ka geysanayso kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka. Kusimaha Wasiirka ayaa bogaadisay dadaallada lagu horumarinayo Shaybaarka Guud ee Puntland, iyadoo xustay muhiimadda uu u leeyahay bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh.








DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland