Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta ka qaybgashay munaasabadda Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad-dugsiyeedka 2025–2026 ee Gobolka Mudug
Kusimaha Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Mudug, Mudane Xirsi Xuseen Nuur, ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbad dardaaran iyo wacyigelin isugu jirtay, isagoo ardayda kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal, kalsooni iyo anshax wanaagsan inta uu socdo imtixaanku.
Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa diyaarisay kooxo caafimaad oo heegan buuxa ku jiri doona goobaha lagu galayo imtixaanka, si ay adeegyo caafimaad oo degdeg ah u gaarsiiyaan cid kasta oo u baahata inta lagu guda jiro maalmaha imtixaanka.
Wasaaraddu waxay ardayda u rajaynaysaa guul iyo natiijooyin wanaagsan, iyadoo ku boorrinaysa inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan imtixaankooda.













DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland