Waxaa olole caafimaad oo muhiim ah laga fuliyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gen. Careys Godod, kaas oo uu hoggaaminayey Kusimaha Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Mudane Xirsi Xuseen Nuur Dirir
Waxaa olole caafimaad oo muhiim ah laga fuliyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gen. Careys Godod, kaas oo uu hoggaaminayey Kusimaha Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Mudug, Mudane Xirsi Xuseen Nuur Dirir.
Ololahan caafimaad waxaa si weyn uga qeyb qaatay Horeeye Multispecialty Hospital, iyadoo uu hormuud ka ahaa Dr. Cabdalle Maxamed Horeeye, waxaana sidoo kale ka qeyb galay Maamulka Guud ee Isbitaallada Horeeye Marwo Nasro Cali Axmed Muuse iyo howl-wadeennada isbitaalka.
Intii uu socday ololaha, waxaa baaritaanno caafimaad lagu sameeyey 120 askari oo kamid ah ciidamada tababarku uga socdo dugsiga.
Waxaa adeegyo caafimaad iyo dawooyin loo fidiyey 90 askari, halka 30 askari oo kale loo aqoonsaday inay u baahan yihiin qaliinno caafimaad.
Dr. Cabdalle Maxamed Horeeye ayaa Taliyaha Dugsiga u xaqiijiyey in dhammaan askarta u baahan qaliinnada ay Isbitaalka Horeeye ugu sameyn doonaan qaliinno lacag la’aan ah (Free of Charge).
Sidoo kale, Sky Pharmaceutical Company ayaa taageero muhiim ah ka geysatay dhinaca dawooyinka iyo agabka caafimaadka, taas oo qeyb ka ahayd guusha ololahan.
Ugu dambeyn, maamulka iyo ka qeybgalayaasha ololaha waxaa si diirran usoo dhaweeyey Taliyaha Dugsiga Tababarka Gen. Careys Godod, G/Sare Cabdi Aadan Maxamed.












DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland