26
May
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda caafimaadka ee habeen iyo maalin u taagan u adeegidda Dadweynaha, ugu hambalyeynaya munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
Wasiirku wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay shaqaalaha caafimaadka ee xiliga ciida gudaheeda sii wada adeegyada caafimaadka, isaga oo Alle uga baryay inuu ka aqbalo acmaashii suubanaa ee ay soo guteen 10kii maalmood ee barakaysnaa