Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Wasiirka, Marwo Maryam Cismaan Axmed (Fangase), ayaa maanta furtay shir looga hadlayay xoojinta isku-duwidda xaaladaha degdegga ah iyo dib-u-eegista dabagalka cudurrada laga hortagi karo tallaalka (VPDs) oo ay yeesheen daneeyayaasha caafimaadka.

26 May

Shirka ayaa waxaa ku wehelinayay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Ali Mohamed Osman iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr Mohamed Mohamuud Xidig, waxaana ka qaybgalay Isuduwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee saddex gobol oo laga sameeyay baaritaanno la xiriira cudurrada faafa, xubno kale oo ka socda gobolada iyo degmooyinka, maamulayasha isbitaalada iyo khubaro ka socday hay’adaha bahwadaagta caafimaadka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta, dardargelinta jawaab-celinta xaaladaha degdegga ah, iyo dib-u-eegista baaritaannadii laga sameeyay cudurrada laga hortagi karo tallaalka si loo horumariyo caafimaadka bulshada iyo ka hortagga faafitaanka cudurrada.

Koox farsamo oo isugu jiray masuuliyiin ka socda wasaaradda iyo xubno kale oo ka socday hay’addaha bahwadaagta la ah, kooxdaan waxaa diray waaxda caafimaadka Bulshada (Public Health) waxayna ka sameeyeen degmooyinka Garoowe, Boosaaso, Qardho, Eyl, Galkacyo, waxayna ka soo sameeyeen warbixin la xiriirta cudurada ugu badnaa iyo sida looga jawaabay.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment