Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaraadda Caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa ka qayb galay kulan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku qaabilay wefdi ka socda Dowladda Mareykanka

21 May

Wasiirka Wasaraadda Caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa ka qayb galay kulan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku qaabilay wefdi ka socda Dowladda Mareykanka

Wasiirka Wasaraadda Caafimaadka Dawladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa ka qayb galay kulan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku qaabilay wefdi ka socda Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga Puntland iyo Dowladda Mareykanka ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo la dagaallanka argagixisada.

Sidoo kale, waxaa la bogaadiyay guulaha ay Puntland ka gaartay hawlgallada ka dhanka ah argagixisada iyo horumarka dhinacyada nabadgelyada iyo adeegyada bulshada.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment