Kusimaha Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug, Xirsi Xuseen Nuur, oo ay weheliso Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah Maryan Xuseen, ayaa maanta kulan la qaatay maamulka isbitaallada gaarka loo leeyahay ee magaalada Gaalkacyo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay, si loo helo xogta bukaannada iyo cudurrada ay isbitaalladu daaweeyaan toddobaad kasta, taas oo Wasaaraddu uga faa’iidaysan doonto dabagalka xaaladaha caafimaad ee bulshada.
Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in carruurta aan helin tallaallada loo gudbiyo xarumaha caafimaadka ee ugu dhow si loo tallaalo, halka carruurta looga shakiyo cudurrada faafa sida gawracatada, jadeecada iyo dabaysha (Polio) si degdeg ah loogu soo wargeliyo hawl-wadeennada Wasaaradda Caafimaadka, si looga qaado muunado (samples) loona xaqiijiyo xaaladdooda caafimaad.
Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in bishiiba hal mar la qabto kulan noocan oo kale ah oo ay si wadajir ah u yeeshaan Wasaaradda Caafimaadka iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay, si loo xoojiyo iskaashiga iyo kor u qaadidda adeegyada caafimaadka bulshada.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Isbitaalka Dr. Sadiq Mohamuud, Madaxa Nafaqada Ahmed Hajji, Madaxa HMIS-ka Mohamuud Diiriye, Madaxa LMIS-ka, iyo masuuliyiin ka socotay 8 isbitaal oo gaar loo leeyahay.

















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland