Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Cismaan Axmed (Fangase) ayaa dawooyin loogu talagalay maxaabiista ku wareejisey Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Marwo Maryan Cismaan Axmed (Fangase) oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda, Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland, Axmed Maxamuud Axmed, ayaa dawooyin loogu talagalay maxaabiista ku wareejisey Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Dawooyinka ayaa waxaa guddoomay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Gen. Saxardiid Maxamed Axmed, oo sheegay in ay baahi weyn u qabeen daawooyinkan maanta la soo gaarsiiyay, isla markaana ay horey u codsadeen.
Daawooyinkan oo loogu talagalay dhammaan xabsiyada Dowladda Puntland ayaa marxaladdan hore loo gaarsiiyay xabsiyada gobollada Nugaal iyo Bari.
Waxaa qayb ka ahaa wareejinta dawada Agaasimaha Caafimaadka Asaasiga ah Cabdirisaaq Abshir Xirsi.














DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland