Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka Ansixinta Qorshaha Istiraatiijiyadda Caafimaadka Puntland (HSSP 2026–2030), kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

18 May

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka Ansixinta Qorshaha Istiraatiijiyadda Caafimaadka Puntland (HSSP 2026–2030), kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Shirka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud Dr Maxamed Maxamuud Xidig, Kusimaha agaasimaha waaxda Qorshaynta,madaxda qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka.

Intii uu shirku socday, Guddiga Siyaasadda iyo Qorshaynta ee ka shaqaynaya diyaarinta Qorshaha Istiraatiijiyadda Caafimaadka ayaa soo bandhigay heerarka uu marayo qorshuhu, iyagoo sidoo kale ka jawaabay falcelin iyo talooyin laga bixiyay qabyo-qoraalka qorshaha.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, ayaa sheegay in qorshahani muhiim u yahay horumarinta adeegyada caafimaadka, xoojinta nidaamka caafimaadka iyo tayeynta adeegyada la gaarsiinayo bulshada Puntland.

“Qorshaha Istiraatiijiyadda Caafimaadka Puntland ee 2026–2030 wuxuu hagayaa jihada horumarinta adeegyada caafimaadka shanta sano ee soo socota. Waxaa muhiim ah in qorshahani noqdo mid loo dhan yahay, laguna saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada iyo talooyinka bahwadaagta caafimaadka,” ayuu yiri Wasiirku.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment