Kusimaha Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Gobolka Mudug, Mudane Xirsi Xuseen Nuur, ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kaga qaybgalay munaasabadda lagu xusayay Maalinta Dhiig karka Adduunka, oo sannad kasta dunida laga xuso 17-ka Maayo
Kusimaha Isuduwe Wasaaradda Gobolka Mudug Xirsi Xuseen Nuur oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in bulshada lagu baraarujiyo ka hortagga iyo la socodka dhiikarka, isagoo yiri:
“Waxaan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qaybgalo munaasabadda lagu xusayo Maalinta Dhiikarka Adduunka. Waxaan rabaa inaan bulshada ku baraarujiyo muhiimadda ay leedahay in qofku ogaado xaaladdiisa caafimaad, gaar ahaan dhiikarka. Wasaaradda Caafimaadku waxay markasta ka shaqayn doontaa kor u qaadidda wacyiga bulshada iyo u dhaweynta adeegyada caafimaadka.”
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay masuuliyiin ka socday maamulka caafimaadka gobolka iyo hay’adda Bisha Cas, iyadoo xuskan uu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay ugu jirto kor u qaadidda wacyiga bulshada iyo xoojinta adeegyada caafimaadka.








DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland