WAR SAXAAFADEED! Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u hirgelisay adeegga Kalyo-Dhaqista dhammaadkii bishii Agoosto 2025.
Mashruucaan waxaa maalgeliyey King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, iyadoo taageerada la soo marsiiyey International Medical Corps oo ahayd hay’addii fulinaysey mashruuca ilaa uu dhammaaday 30 Diseembar 2025. Muddadii mashruucu socday wax lacag ah lagama qaadi jirin bukaannada u baahan adeegga Kalyo-Dhaqista, maadaama kharashaadka shaqaalaha, qalabka iyo agabka lagu isticmaalo mashiinnada ay bixinayeen taageerayaashu.
Laga soo bilaabo bishii January 2026 ilaa bisha May 2026, Garowe General Hospital – Isbitaalka Guud Ee Garoowe ayaa si iskiis ah u waday adeegga, iyadoo bishii ay ku baxaysay lacag dhan $9,640 oo ah kharashaadka agabka iyo hawlgelinta adeegga. Kharashkaan kuma jirin shaqaalaha goobta ka shaqaynayay, kuwaas oo muddadaas ku shaqaynayay mutadawacnimo iyo waddaniyad iyagoo aan mushahar qaadan shantii bilood ee lasoo dhaafay.
Wasaaradda Caafimaadku waxay si joogto ah ugu howlanayd sidii adeeggu u sii socon lahaa islamarkaana aanu u istaagin. Wasaarada caafimaadka waxay si joogta ah u sii kabaysaa afarta bilood ee soo socota iyadoo kaashandoonta haayadaha bahwadaagta la ah .
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la tixgelinayo culayska dhaqaale iyo joogtaynta adeegga, Wasaaradda Caafimaadka iyo maamulka Isbitaalka waxay la kulmeen bukaannada, waxaana si daahfuran loogu sharxay xaaladda jirta. Iyadoo la eegayo duruufaha dhaqaale ee jira iyo baahida loo qabo inaan adeeggu istaagin, waxaa la isla gartay in bukaannadu qayb ka noqdaan kharashaadka adeegga, gaar ahaan kuwa awooda u leh.
Arrintaan waxay ku saleysan tahay mabda’a joogtaynta adeegga iyo ku soo rogista kharash aad u jaban marka loo eego qiimaha dhabta ah ee adeegga, iyadoo tusaale looga dhigayo isbitaallada kale ee dowladda sida Isbitaallada Boosaaso iyo Gaalkacyo oo adeegyada noocaan oo kale ah laga qaado lacag kooban si adeeggu u sii jiro.
Waxaa si gaar ah loo xaqiijinayaa in bukaannada danyarta ah ee aan awoodin qarashka ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Isbitaalku sii wadi doonaan taageeradooda, islamarkaana aan marna kaligood looga tagi doonin xaaladdooda caafimaad. Kuwa awooda lehna waxaa laga codsanayaa inay qayb ka qaataan kharashaadka si loo badbaadiyo joogtaynta adeeggan muhiimka u ah nolosha bukaannada.