Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa huteelka Martisoor ka dhacay xaflad xilwareejin ah oo ay xilka kula kala wareegayeen Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland

17 May

Waxaa huteelka Martisoor ka dhacay xaflad xilwareejin ah oo ay xilka kula kala wareegayeen Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland

Waxaa si rasmi ah usoo gabagabowday xafladdii xilwareejinta Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, taas oo lagu qabtay magaalada Garowe, isla markaana ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, Golaha Baarlamaanka, Guddiga Dhakhaatiirta, hay’adaha caafimaadka, jaamacadaha iyo qeybaha kala duwan ee bahda caafimaadka Puntland.

Xafladda ayaa ku qabsoontay jawi wanaagsan oo muujinayay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta iyo horumarinta nidaamka caafimaadka Puntland, iyadoo lagu adkeeyay doorka xirfadlayaasha caafimaadku ku leeyihiin badbaadinta bulshada iyo tayaynta adeegyada caafimaad.

Write a Reply or Comment