14
May
Kooxo caafimaad oo wasaaraddu udirtay degmooyinka Garoowe, Godobjiraan ayaa maanta miyiga fog ugu tegey bulshada reer guuraaga ah waxayna tallaaleen carruur aan weli qaadan iyo kuwa aan dhammaysan
Wasaaradda ayaa saddex kooxood oo Gobolka Nugaal ah u kala dirtay degmooyinka Garoowe, Godobjiraan iyo Eyl.
Kooxahan caafimaad ayaa loogu talagalay inay ka falceliyaan meelaha uu saamaynta ku yeeshay cudurka gawracatada iyo cudurrada kale ee la midka ah. Waxay bixin doonaan tallaallo loogu talagalay bulshada bartilmaameedka ah, sidoo kalena waxay fulin doonaan adeegyo daaweyn iyo wacyigelin caafimaad.













DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland