Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaab Faroole oo ay weheliyaan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maryan Axmed Cismaan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cali Mohamed Osman iyo Agaasimaha Guud Dr Mohamed Mohamuud Xidig,ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ka dhagax dhigay ceel biyood cusub oo ay Wasaaraddu yeelanayso.
Wasiirka ayaa sheegay in ceelkan cusub uu muhiim u yahay adeegyada caafimaadka iyo daboolidda baahida biyaha ee xarunta Wasaaradda, isagoo xusay in tan iyo markii ay xilka la wareegeen ay mudnaan gaar ah siiyeen sidii xal waara loogu heli lahaa biyaha xarunta.
“Maanta waxaan dhagax dhignay ceel biyood cusub oo Wasaaraddu yeelanayso markii ugu horreysay tan iyo markii la dhisay xarunta sanadkii 2008. Markii aan xilka la wareegnay aniga iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda, waxaan muhiimad gaar ah siinay sidii Wasaaradda loogu heli lahaa ceel biyood, maadaama xarunta dhexe ee Wasaaraddu ay biyuhu ka yihiin baahiyaha ugu muhiimsan,” ayuu yiri Wasiirka.
“Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Wasaaraddu hore ugu tiirsanayd booyado biyaha keena iyo adeegga shirkadda biyaha ee NUWACO, balse adeegyadaasi aysan dabooli jirin baahida jirta, maadaama xaruntu ku taallo meel sare.”
“Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyey hay’adda maxalliga ah ee PMWDO iyo madaxdeeda Burhaan Cabdullaahi Shiil, oo goobta dhagax-dhigga joogay, sida ay u aqbaleen codsigii Wasaaradda ee ku saabsanaa hirgelinta ceelkan cusub.”
Munaasibada dhagax dhiga waxa ka qaybgalay kusimaha agaasimaha Qorshaynta Abdizak Mohamed Cartan madaxa Qaybta Wash wasaaradda Niciimo Nuur iyo xubno kale oo wasaraadda kamid ah.














DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
Linkedln: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): X.comMOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland