Xafiiska Caafimaadka Gobolka Nugaal ayaa maanta kooxo caafimaad u kala diray degmooyinka Garoowe, Godobjiraan iyo Eyl
Kooxahan caafimaad ayaa loogu talagalay inay ka falceliyaan meelaha uu saamaynta ku yeeshay cudurka gawracatada iyo cudurrada kale ee la midka ah. Waxay qaadi doonaan tallaallo loogu talagalay bulshada bartilmaameedka ah, sidoo kalena waxay fulin doonaan adeegyo daaweyn iyo wacyigelin caafimaad.
Hawshan oo hore uga socon jirtay xarumaha caafimaadka ayaa hadda la xoojinayaa si loo dardargeliyo ka jawaabista saamaynta uu yeeshay cudurka gawracatada iyo xoojinta adeegyada caafimaadka bulshada. Cudurka gawracata ayaa caruur badan ku dhacay qaarna ugu dhinteen.
Kala dirista kooxahan caafimaad waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland ahna kusimaha agaasimaha guud , Cabdirisaaq Abshir Xirsi oo uu wehelinayay Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Nugaal Mohamed Jaamac Xirsi, Dr Mohamed oo ka socday hay’adda PSI iyo masuuliyiin kale oo ka socday Xafiiska Caafimaadka Gobolka Nugaal.


















DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland