07
May
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Cali Maxamed Cismaan, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Degmada Buurtinle Axmed Dheereeye, madax ka socotay Hay’adda Amoud Foundation oo uu kamid yahay Madaxa Geeska Afrika ee hay’adda Axmed Cabdi, bahda caafimaadka degmada, cuqaal iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo degmada Buurtinle.
Xaruntan caafimaad ayaa loogu talagalay inay ka faa’iideystaan bulshada deegaanka iyo danyarta ku nool kaamamka barakacayaasha ee xaafadda Hawl-wadaag ee degmada Buurtinle.
Xarunta oo ah MCH casri ah, isla markaana si gaar ah loogu talagalay adeegyada hooyada iyo dhallaanka, waxaa maalgelinaysa Hay’adda Amoud Foundation oo bixinaysa dhaqaalaha lagu dhisayo. Sidoo kale, hay’addu waxay si buuxda u qalabayn doontaa xarunta marka la dhammeystiro dhismaheeda.
DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.







Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland
See less