Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyaas Cismaan Lugatoor, kala qaybgalay qaabilidda Wefdi sare oo ka socdey hoggaanka hay’adda cuntada adduunka (WFP)
Wefdiga waxaa hoggaaminayay Agaasime ku- xigeenka Fulinta, Mudane Matthew Hollingworth, waxaana sidoo kale ka mid ahaa Madaxa WFP ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha soo noqnoqday , deeqaha caalamiga ah ee yaraaday, dedaallada gargaar gaadhsiinta dadka nugul, daryeelka carruurta, mashaariicda bini’aadantinnimo iyo qodobbo kale.
Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa hay’adda uga mahadceliyay dedaalkooda iyo shaqada ay ka hayaan Puntland, isaga oo ku boorriyay in ay adkeeyaan wadashaqaynta wanaagsan iyo isku xidhnaanshaha WFP iyo Dowladda Puntland.
Dowladda Puntland ayaa wafdiga WFP la wadaagtay sidii ay Puntland toos ugu heli lahayd deeqalaha loogu talagay.
DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.








Website: www.moh.pl.so
LinkedIn: Puntland Ministry of Health
X (Twitter): @MOHPuntland
Facebook: ministryOfHealthPuntland
TikTok: @moh.puntland
YouTube: @MOHPuntland