Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Waxaa magaalada Garoowe ka furmay munaasabada xuska Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka (International Day of the Midwife), iyadoo sanadkan diiradda lagu saarayo helidda hal milyan oo umuliso oo dheeraad ah si loo badbaadiyo nolosha hooyada iyo dhallaanka

05 May

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed kuxigeenka wasiirka wasaaradda Marwo Maryan Cisman Axmed, kusimaha agaasmaha guud Cabdirisaaq Abshir Xirsi,masuuliyiinta dowladda, bahda caafimaadka oo ay hormuud u yihiin umulisooyinka, hay’adaha kala duwan, iyo qaybaha bulshada, si loo muujiyo doorka qiimaha leh ee umulisooyinka.

Sidoo kale, munaasabaddan waxaa soo qaban-qaabiyey Ururka Umulisooyinka Puntland, kaas oo hambalyo iyo dhiirigelin u diray dhammaan umulisooyinka Puntland ee u hagar baxay badbaadinta iyo adeegga hooyada iyo dhallaanka.

#IDM2026#Puntlandmidwives#1millionmoremidwives

Write a Reply or Comment