Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, gaar ahaan qaybta Caafimaadka Guud (Public Health), ayaa maanta u kala dirtay degmooyinka Garoowe, Gaalkayo, Qardho, Eyl iyo Boosaaso kooxo farsamo oo isku dhaf ah.

05 May

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, gaar ahaan qaybta Caafimaadka Guud (Public Health), ayaa maanta u kala dirtay degmooyinka Garoowe, Gaalkayo, Qardho, Eyl iyo Boosaaso kooxo farsamo oo isku dhaf ah.

Kooxahan waxaa ka mid ah khubaro ka kala socda Wasaaradda Caafimaadka (MoH), Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF, PSI, SCI iyo Ururka Bisha Cas, kuwaas oo iska kaashanaya xoojinta baaritaanka cudurrada faafa.

Agaasime Sucaad Axmed Maxamuud ayaa sharraxday in ujeeddada ugu weyn ee hawlgalkan ay tahay in la qiimeeyo lana soo ururiyo xog dhab ah oo ku saabsan cudurrada laga hortagi karo tallaalka (Vaccine-Preventable Diseases – VPDs), gaar ahaan jadeecada (measles), gowracatada (diphtheria), kix-dheerta (whooping cough), iyo AFP. Hawlgalkan ayaa muhiim u ah fahamka baaxadda cudurradan iyo sidii loo xakameyn lahaa faafitaankooda.

Dhammaan mas’uuliyiintii ka kala socday hay’adaha ka qeybgalaya ayaa dhiirrigeliyay kooxaha la diray, iyagoo si cad u sharraxay doorka iyo waajibaadka saaran koox walba si loo xaqiijiyo in la gaaro yoolalka la dejiyay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale hubisay in kooxaha la siiyo dhammaan agabkii iyo qalabkii lagama maarmaanka u ahaa fulinta shaqadooda, si loo xaqiijiyo tayada iyo saxnaanta xogta la ururinayo.

Inta ay kooxuhu ku guda jiraan kormeerka, waxay sidoo kale siin doonaan tababarro kooban (on-the-job training) shaqaalaha xarumaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa heerarka hoose. Tababarradan ayaa diiradda saaraya aqoonsiga calaamadaha cudurrada, qaadista muunadaha shaybaarka, iyo habka saxda ah ee gudbinta xogta (reporting), taas oo kor u qaadaysa awoodda nidaamka kormeerka cudurrada iyo jawaab-celinta degdegga ah.

DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Website: www.moh.pl.so

LinkedIn: Puntland Ministry of Health

X (Twitter): @MOHPuntland

Facebook: ministryOfHealthPuntland

TikTok: @moh.puntland

YouTube: @MOHPuntland

Write a Reply or Comment