Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Xafiiska wasaradda caafimaadka Gobolka Haylaan, ayaa maanta magaalooyinka dhahar iyo Buraan ka sameeyey wacyigelin iyo tallaal bixin

03 May

Xafiiska wasaradda caafimaadka Gobolka Haylaan, ayaa maanta magaalooyinka dhahar iyo Buraan ka sameeyey wacyigelin iyo tallaal bixin

Maamulka ayaan booqday iskuulada waxbarashada ee ku yaala dhahar iyo buraan halkaas oo ay fariimo la xiriira muhiimada tallaalku uleeyahay caruurta la wadaagay ardayda iyo maamulka, sidoo kale waxay xarumaha caafimaadka ka sameeyeen tallaal bixin si kor loogu qaado badqabka bulshada.

Tan ayaa qayb ka ah xuska todobaadka tallaalka aduunka oo gobolada iyo degmooyinka ay ka socdeen tan iyo todobaadkii hore wacyigalino la xiriira tallaalka.

#wiw2026#VaccinesWork#WorldImmunizationWeek

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment