Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dowladda Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo gabagabeysey Todobaadka Tallaalka Adduunka

03 May

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dowladda Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo gabagabeysey Todobaadka Tallaalka Adduunka

Intii uu socday toddobaadkan, Wasaaraddu waxay fulisey hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin wacyigelinta bulsho, tababaro, iyo gaarsiinta adeegyada tallaalka meelaha fogfog.

Wacyigalinada iyo adeegyada tallaalka ayaa si wada jir ah loogu qabtay degmooyinka Garowe, Galkacyo, Qardho, Boosaaso, Badhan, Caluula, Eyl, Godobjiraan, Bareeda iyo Xaabo.

Toddobaadkaan ayaa loogu talagalay in kor loogu qaado wacyiga bulshada ee Tallaalka iyo dardargalinta qaadashadiisa.

Wasiirka wasaradda caafimaadka Mohamed Abdirahmaan ayaa maalintii Axada ee Toddobaadka dhamaanaya magaalada Garowe ka furay sidoo kalena inta lagu guda jiray booqday isaga oo uu wehelinayo wasiiru-dawlaha waaaraddu xarumo caafimaad oo ku yaala Garowe.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment