Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Tallaalka Adduunka, maamulka caafimaadka gobolka Raas Caseyr ayaa maanta ka fuliyay wacyigelin caafimaad iyo adeegyo tallaal degmooyinka Xaabo iyo Bareedo

03 May

Iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Tallaalka Adduunka, maamulka caafimaadka gobolka Raas Caseyr ayaa maanta ka fuliyay wacyigelin caafimaad iyo adeegyo tallaal degmooyinka Xaabo iyo Bareedo

Maamulka caafimaadka gobolka Raas Caseyr oo hoggaaminayay ololahan ayaa booqday goobaha ay bulshadu ku kulmaan, iyagoo bixinayay wacyigelin caafimaad oo ku saabsan muhiimadda tallaalka iyo ilaalinta caafimaadka guud ee bulshada.

Sidoo kale maamulka caafimaadka gobolka ayaa hawl-geliyay kooxaha bannaanka u baxa (Outreach teams) ee bixiya adeegyada tallaalka, si loo kordhiyo gaarsiinta adeegyada iyo qaadashada tallaalka ee bulshada.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, gaar ahaan Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah iyo Qaybta Tallaalka, oo kaashanaysa maamullada gobollada, ayaa toddobaadkan ka wada dhammaan gobollada iyo degmooyinka wacyigelinno la xiriira caafimaadka iyo dardargelinta qaadashada tallaalka.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment