Iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Tallaalka Adduunka, maamulka caafimaadka gobolka Mudug ayaa maanta booqday qaar ka mid ah dugsiyada ku yaalla magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay ka sameeyeen wacyigelin caafimaad oo ku saabsan muhiimadda tallaalka iyo doorka uu ka qaato ilaalinta caafimaadka bulshada
Kusimaha Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Mudug, Xirsi Xuseen Nuur, oo ay wehelinaysay Maryan Xuseen, Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah ee gobolka Mudug, iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa booqday mid ka mid ah dugsiyada si ay ardayda iyo macallimiinta ula wadaagaan fariimo muhiim ah oo la xiriira caafimaadka iyo tallaalka.
Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda tallaalka carruurta iyo hooyooyinka, iyagoo tilmaamay in tallaalku yahay difaaca ugu horreeya ee lagaga hortago cudurrada halista ah. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la kordhiyo wacyigelinta iyo qaadashada tallaalka, si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka madax bannaan cudurrada laga hortagi karo.
Ugu dambayn, maamulka caafimaadka gobolka Mudug ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan ololayaasha wacyigelinta iyo dadaallada lagu xoojinayo adeegyada tallaalka, si loo gaarsiiyo dhammaan bulshada, gaar ahaan meelaha baahida badan leh.
#wiw2026#VaccinesWork#WorldImmunizationWeek
DHAMMAAD-


















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.