30
Apr
Iyadoo lagu jiro Toddobaadka Tallaalka Adduunka, masuuliyiinta xafiiska wasaaradda caafimaadka ee gobolka Karkaar ayaa maanta booqday qaar ka mid ah iskuullada magaalada Qardho, halkaas oo ay ka fuliyeen wacyigelin caafimaad oo ku saabsan muhiimadda tallaalku u leeyahay bulshada.
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Karkaar, Cabdullaahi Cartan, ayaa hoggaaminayay wafdiga booqashada sameeyay, waxaana ku weheliyay Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah ee gobolka, Laylo Daahir, iyo Maamulaha Caafimaadka Degmada Qardho.
Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda tallaalka carruurta iyo hooyooyinka, iyagoo xusay in kor u qaadista qaadashada tallaalka ay door weyn ka qaadanayso dhismaha bulsho caafimaad qabta oo ka badbaadsan cudurrada laga hortagi karo.
DHAMMAAD-

















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.