Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socdey hay’adda PSI oo uu hoggaaminayey John Sauer Wash Director ayna weheliyeen xubno kale oo xafiiska Puntland ka tirsan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray tayaynta ilaha biyaha iyo helitaanka biyo nadiif ah, si loo yareeyo cudurrada ka dhasha biyaha wasakhaysan sida daacuunka iyo xanuunno kale oo la xiriira nadaafad-xumo.
Wasiirka ayaa la wadaagay qorshaha Wasaaradda ee kor u qaadidda caafimaadka dadweynaha, isaga oo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay waaxda fayadhowrka iyo nadaafadda (WASH Unit), taas oo door weyn ka qaadata wacyigelinta bulshada. Waxa uu tilmaamay in, iyadoo ay jiraan abaaro soo noqnoqda, ay muhiim tahay in si joogto ah loola socdo meelaha biyaha lagu kaydiyo si looga hortago khataraha caafimaad ee ka dhalan kara.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah ahna ku-simaha Agaasimaha Guud, Cabdirisaaq Abshir Xirsi; Ku-simaha Agaasimaha Qorshaynta, Cabdirisaaq Cartan; La-taliyaha Wasiirka; iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.
DHAMMAAD-














XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.