Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Xafiiska wasaaradda caafimaadka Gobolka Karkaar, iyadoo kaashanaysa hay’adaha Save the Children International (SCI), ayaa magaalada Qardho ku qabatay munaasabad lagu xusay toddobaadka Tallaalka Adduunka.

29 Apr

Munaasibada waxaa ka qayb galay kusimaha Agaasimaha Caafimaadka Dadweynaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Karkaar, Madaxa Caafimaadka Aasaasiga ah ee gobolka, Madaxa Caafimaadka Degmada Qardho, wakiillo ka socday hay’adaha SCI iyo WHO, dhakhaatiir, iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa si weyn u adkeeyay muhiimadda tallaalka, gaar ahaan kan dhallaanka iyo hooyooyinka, iyagoo xusay in loo baahan yahay in la kordhiyo qaadashada tallaalka si loo gaaro bulsho caafimaad qabta oo ka badbaadsan cudurrada la iska difaaci karo.

Ugu horreyn, Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Karkaar, Cabdulahi Cartan, ayaa sheegay in ilmo kasta uu xaq u leeyahay helitaanka tallaalka loogu talagalay si loo ilaaliyo caafimaadkooda.

Sidoo kale, Farxiyo Cabdi Aasiis, Madaxa Tallaalka ee SCI, iyo Cabdi Nasiir Maxamed Cilmi, Madaxa Tallaalka iyo Dabagalka Cudurrada ee WHO, iyo Kusimaha Agaasimaha Caafimaadka Dadweynaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Sucaad Axmed Maxamuud, ayaa cadeeyay in ay ka go’an tahay in bulshada si joogto ah loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana la joogteeyo bixinta tallaalka bilaashka ah.

#wiw2026#VaccinesWork#WorldImmunizationWeek

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

#wiw2026#VaccinesWork#WorldImmunizationWeek

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment