Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo Yuusuf Cabdiqaadir ayaa saaka booqday qaar ka mid ah iskuullada magaalada Garoowe, halkaas oo ay ka fuliyeen ololaha xoojinta wacyigelinta caafimaadka iyo tallaalka, iyadoo lagu guda jiro Toddobaadka Wacyigelinta Tallaalka Adduunka

29 Apr

Booqashadan ayaa qayb ka ah qorshayaasha Wasaaradda, gaar ahaan waaxda Tallaalka, ee lagu gaarsiinayo wacyigelin caafimaad masaajidda, iskuullada, kaamam barakacayaasha iyo goobaha kale ee ay bulshadu isugu timaado. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xasuusinta bulshada muhiimadda tallaalka iyo dardargelinta qaadashadiisa.

Yusuf Cabdiqaadir ayaa sidoo kale macallimiinta iyo ardayda ku wargeliyay in gobolka uu ka jiro cudurka gawracatada (diphtheria), oo khatar ku ah carruurta, isagoo ku boorriyay inay si dhab ah uga feejignaadaan islamarkaana qaataan tallaallada lagama maarmaanka ah.

#WIW2026#VaccinesWork#WorldImmunizationWeek

— DHAMMAAD —

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

Write a Reply or Comment