26
Apr
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, oo kaashanaysa Hay’adda Save the Children in Soomaaliya, ayaa magaalada Boosaaso ku qabatay munaasabadda xuska Todobaadka Tallaalka Adduunka, kaas oo Puntland laga xusayo si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada iyo adeegyada tallaalka.
Ololaha Todobaadka Tallaalka Adduunka ayaa socon doona illaa 30-ka bisha Abriil. Inta uu socdo, Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa Hay’adda Save the Children waxay hawlgelin doontaa kooxo wacyigelin caafimaad iyo kooxo bixiya adeegyada tallaalka, kuwaas oo gaari doona deegaanada miyi iyo magaalo, si loo kordhiyo helitaanka adeegyada tallaalka loona xoojiyo fahamka bulshada ee faa’iidada tallaalka.
DHAMMAAD-




















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.