Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Garoowe, 18 April 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland , Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha qaybta C-Scan ee Isbitaalka Weyn ee Garoowe.

18 Apr

Garoowe, 18 April 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland , Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha qaybta C-Scan ee Isbitaalka Weyn ee Garoowe.

Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in dhismahan cusub lagu rakibi doono qalabka C-Scan oo horey u yaallay Isbitaalka, islamarkaana ay dhisayso Dowladda Puntland. Waxa uu xusay in baahida loo qabo dhismahan ay timid kadib markii xaruntii hore aysan ku filneyn qalabka loogu talagalay adeegga C-Scan.

Wasiirku wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, oo amray hirgelinta dhismahaan muhiimka ah.

Garoowe, 18 April 2026: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland,Mohamad Abdirahman Mohamed, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha qaybta C-Scan ee Isbitaalka Weyn ee Garoowe.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadku ay ku guda jirto dib-u-eegis iyo dabagal ku saabsan khaladaadkii ka jiray dhismihii hore, si loo hubiyo in dhismahan cusub uu noqdo mid tayo leh oo waafaqsan baahida adeegga caafimaad.

Dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Jaamac Jawle, oo xaqiijiyay in Wasaaradda Maaliyaddu ay bixinayso kharashaadka dhismaha.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhamaystirka qaybtaan cusub, taas oo kor u qaadi doonta adeegyada uu bixiyo Isbitaalka Weyn ee Garoowe. Waxa uu sheegay in dhismaha lagu dhamaystiri doono muddo 45 maalmood gudahood, isla markaana si rasmi ah loo furi doono.

Dhagax-dhigga waxaa sidoo kale ka qayb galay maamulka Isbitaalka Weyn ee Garoowe.


DHAMMAAD-


XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment