Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socdey hay’adda WHO

18 Apr

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socdey hay’adda WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, oo uu weheliyey Agaasimaha guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socdey hay’adda WHO oo uu hoggaaminayey Farhan Bashir Hassan Kusimaha Madaxa Xafiiska haayada WHO Garowe.

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah oo u dhexeeyey hoggaanka cusub ee Wasaaradda iyo maamulka WHO, iyadoo lagu lafaguray mashaariicda caafimaadka ee shaqooyinka ay hadda wada fuliyaan wasaaradda.

Wasiirka ayaa la wadaagay qorshayaasha horutabinta uleh iyo kuwa mudnaanta leh Wasaaradda iyo dadaalada socda, waxaana uuna xusay in loo baahanyahay in la xoojiyo lana sii laba laabo shaqooyinkii socday iyo wada shaqaynta.

Shirka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa agaasima waaxdeedyada wasaaradda caafimaadka.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment