Wasiirka wasaaardda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta kulan mihiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socdey Wasaaradda Maaliyadda Puntland
Wasiirka wasaaardda caafimaadka Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa maanta kulan mihiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Maaliyadda , kulankaas oo mihiimadiisu ahayd xoojinta wada shaqaynta labada wasaaradood iyo dardargelinta dakhliga ka soo xarooda adeegyada caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadku bixiso, gaar ahaan kuwa la xiriira dhinacyada maaliyadda.
Waxa kulanka ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Maryan Cismaan Axmed, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Cismaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Maxamed Xiddig, iyo qaar ka mid ah saraakiisha Wasaaradda.
Wafdi ka socday Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Mudane Ahmed Mohamed Bulxan, isla markaana uu la socday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Ahmed Jamac Jawle, iyo Xisaabiyaha Gobolka Nugaal, ayaa sidoo kale ka qayb galay kulanka.
Ugu dambayn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad wanaagsan, waxaana isla qaadanay in la sii ambaqaado wada shaqaynta, isla markaana la qabto kulamo kale oo lagu sii xoojinayo qodobada la isla soo qaaday.













DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.