Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Maryan Cismaan Axmed oo ay wehelinaysay kusimaha agaasimaha caafimaadka Dadweynaha Sucaad Mohamuud ayaa maanta furtay tababar ku saabsan kor u qaadidda nadaafadda iyo fayadhowrka, kaas oo ay soo qaban qaabisay qaybta Fayadhawrka iyo nadaafada wasaaradda.

15 Apr

Wasiir ku-xigeenka oo tababarka furtay ayaa tilmaantay muhiimadda nadaafaddu u leedahay caafimaadka dadweynaha, iyadoo xustay in ka hortagga cudurrada faafa uu ka bilaabmo wacyigelin iyo dhaqanno nadaafadeed oo sax ah oo laga hirgeliyo heer qoys ilaa heer bulsho.

Tababarkan ayaa loo qabtay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda (MOH) iyo Dowladaha Hoose ee Garowe (LG), si loo xoojiyo aqoontooda iyo xirfadahooda la xiriira fayadhowrka iyo ilaalinta deegaanka. Intii uu socday tababarku, waxaa diiradda la saaray hababka saxda ah ee nadaafadda guud, maaraynta qashinka, ilaalinta biyaha nadiifka ah, iyo wacyigelinta bulshada ee ka hortagga cudurrada faafa sida shuban-biyoodka iyo xanuunnada kale ee la xiriira nadaafad-darrada.

Sidoo kale, ka qaybgalayaasha ayaa helay casharo muhiim ah oo loogu talagalay in bulshada ugudbiyaan. Tababarkan waxa uu qayb ka yahay qorshayaasha Wasaaradda ee lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha kala duwan iyo dhisidda bulsho caafimaad qabta oo leh deegaan nadiif ah

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA

DOWLADDA PUNTLAND

Write a Reply or Comment