Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo xiray shirka cilmibaarista siyaasadda iyo nidaamyada Caafimaadka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo xiray shirka cilmibaarista siyaasadda iyo nidaamyada Caafimaadka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya,kaas oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Horumarinta, Hal-abuurka iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Boosaaso – Garoowe.
Shirka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeeyey siyaasadaha iyo nidaamyada caafimaadka Soomaaliya, u qareemidda hooyada iyo dhallaanka, iyo horumarinta iyo taabbogelinta hiigsiyada fog ee caafimaadka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa ballanqaaday in la mataaneeyo cilmibaadhisyadii kala duwanaa ee lagu soo bandhigay shirka iyo taabbogelintooda, isla markaana wasaaraddu si dhow ula shaqayn doonto cid kasta oo ka qayb qaadanaysa horumarinta caafimaadka DPL iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.








DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA
DOWLADDA PUNTLAND