Wasiirka wasaaradda caafimaadka oo kulan la qaatay isuduwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee gobollada Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Maryan Cismaan Axmed, Wasiiru-dawlaha Cali Maxamed Cismaan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Caarshe Maxamed Siciid iyo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa kulan muhiim ah la qaatay isu-duwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee gobollada Puntland.
Kulanka ayaa lagu dhageystey warbixinno la xiriira waxqabadka isu-duwayaasha, heerka adeegyada caafimaad ee gobollada iyo caqabadaha jira, iyadoo si qoto dheer loogu falanqeeyey sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee bulshada.
Wasiirka ayaa sidoo kale la wadaagay qorshayaasha 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee Wasaaradda, isaga oo ku boorriyay masuuliyiinta inay dardargeliyaan howlaha socda isla markaana la yimaadaan isbeddel muuqda oo kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaad.
Kulamadan ay hoggaanka cusub ee Wasaaraddu la yeelanayaan qaybaha kala duwan iyo isu-duwayaasha gobollada ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo shaqada Wasaaradda iyo kor u qaadidda adeegyada lagu gaarsiinayo bulshada reer Puntland.


















DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland