Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasiirka wasaaradda caafimaadka oo la kulmay hay’adda Save Children

12 Apr

Wasiirka wasaaradda caafimaadka oo la kulmay hay’adda Save Children

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Maryan Osmaan Axmed, Wasiiru-dawlaha Mudane Cali Maxamed Osmaan, iyo Agaasimaha Guud Dr. Maxamed Maxamuud Xidig, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda Save the Children (SCI) oo uu hoggaaminayey Madaxa Puntland Maxamed Cabdulaahi Casayr.

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho ah oo u dhexeeyey hoggaanka cusub ee Wasaaradda iyo maamulka SCI, iyadoo lagu lafaguray mashaariicda caafimaad iyo nafaqo ee hadda hayadu la fuliso wasaarada.

Wasiirka ayaa la wadaagay qorshayaasha horutabinta uleh iyo kuwa mudnaanta leh Wasaaradda, waxaana uuna sheegay in loo baahanyahay in la xoojiyo lana sii laba laabo shaqooyinkii socday iyo wada shaqaynta.

Shirka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa agaasima waaxdeedyada wasaaradda caafimaadka.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Write a Reply or Comment