Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, gaar ahaan qaybta biyaha, nadaafadda iyo Fayadhowrka (WASH Program), ayaa qabatay shirkii isku xirka iyo dib-u-eegista barnaamijka WASH, kaas oo ka dhacay hoolka Wasaaradda ee magaalada Garoowe.

25 Oct

Intii uu shirku socday, Agaasimaha Caafimaadka Aasaasiga ah, Dr. Cabdirisaaq Abshir Xirsi, ayaa bogaadiyey hay’addaha kala shaqeeya Wasaaradda barnaamijkan, isaga oo xusay in kor u qaadista nadaafadda iyo wacyigelinta bulshada ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu yareyn karo cudurrada faafa iyo dilaaca. Wuxuu carabka ku adkeeyay in iskaashi dhab ah iyo qorshe mideysan ay muhiim u yihiin xaqiijinta adeegyo biyo iyo fayadhowr oo waara.

Dhankeeda, Madaxa Barnaamijka WASH, Marwo Naciima Muuse Nuur, ayaa sharaxday in ujeeddada shirka ay tahay in la is-weydaarsado guulaha la gaaray, caqabadaha la soo wajahay iyo qorshayaasha hore loo qaadayo, si loo xoojiyo fulinta barnaamijka guud ee WASH ee Puntland. Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad lagu ballanqaaday in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo la-socodka hirgelinta mashaariicda lagu hormarinayo biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka guud ee bulshada Puntland.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.