Ku soo Dhowaada Bogga Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Save the children ayaa magaalada Badhan maanta ka daahfurtay ololaha dardargelinta Tallaalka

22 Oct

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Save the children ayaa magaalada Badhan maanta ka daahfurtay ololaha dardargelinta Tallaalka

‎Ololahan oo socon doona muddo 7-maalmood ayaa ka socon doona xarumaha caafimaadka iyo goobo cayiman oo ka mid ah xaafadaha magaalada, tuulooyinka, iyo meelaha fog fog ee ay ku suganyhiin reer Guuraaga.

Tallaalkan ‎ayaa maanta ka bilowday guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Puntland, waxaana qorshuhu yahay in la gaaro in ka badan 200-kun oo qof oo iskugu jira ilmaha 5-sano kayar, kuwa 5-sano ilaa 15 sano iyo Dumarka ku jira xiliga Dhaqamaadka.

DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.