Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa maanta ku saxiixay Isbitaalka Weyn ee Garoowe heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding) oo u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR)
Heshiiskan cusub ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh oo la siinayo qaxootiga iyo magangalyo-doonka ku nool Puntland.
Mohamed Nuur, wakiilka UNHCR, ayaa soo dhaweeyey heshiiska cusub, isagoo sheegay in uu noqon doono sal-dhig unoqon doona xaqiijinta qaxootiga iyo magangalyo-doonka inay aday adeegyo caafimaad oo buuxa ka helaan Isbitaalada dawladda.
Dhankiisa, Hon. Abdirahmaan Khaliif Farax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland oo munaasabadda ka hadlay, ayaa yiri:
“Waxaan ku faraxsanahay inaan ka qeyb galo saxiixa heshiiskan muhiimka ah ee ujeedkiisu yahay in qaxootiga iyo magangalyo-doonka ay helaan adeegyo caafimaad oo dhamaystiran. Tani waa tallaabo horumarineed oo kor u qaadaysa adeegyadii kale ee dawladdu dadkaas siin jirtay.”
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Hon. Siciid Jaamac Qorsheel ayaa yiri:-
“Waxaan soo dhoweynayaa heshiiskan muhiimka ah ee aan la saxiixanay Hay’adda UNHCR. Waxaana uu fududeyn doonaa sidii qaxootiga iyo magangalyo-doonka ay uga heli lahaayeen Isbitaalada Dawladda,iyadoo wasaaraddu awalba siin jirtay adeegyo dhamaystiran, waxaana rajaynayaa in mustaqbalka dhow si dhamaystiran loo dabooli doono dhamaan baahiyahooda dhanka caafimaadka.”
Ugu danbeyn wasiirka ayaa uga mahadceliyey Hay’adda UNHCR dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto kor u qaadista iyo u qareemidda caafimaadka qaxootiga, isagoo xusay in heshiiskani uu noqon doono bilow cusub oo iskaashi iyo horumar wadajir ah oo u dhexeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo UNHCR.
DHAMMAAD-
















XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.