25
Sep
Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel oo ku hadlaya magaca wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland iyo midka guddiga taakulada ciidamada ee dagaalka Hawlgalka Hilaac, ayaa tacsi ka diray allaha unaxariistee Shahiid Generaal Axmed Cabdi Cali (Gen Qalyare) Taliyihii Guutada 2aad iyo ururka Duufaan, oo u geeriyooday miino kula kacday gaarigiisa inta u dhexaysa Dhaadaar iyo Dhasaan.
كل من عليها فان ويبقي وجه ربك ذوالجلال والإكرام
Gen. Axmed wuxuu ahaa sarkaal adag, geesi ah, qiyam leh, kana mid ahaa hoggaamiyeyaashii safka hore kaga jiray dagaalka lagula jiro argagixisada, naf iyo waayo-aragnimo badan u huray difaaca dalkiisa iyo dadkiisa.
Wasiirka ayaa allaha SWC u weydiiyay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo,eheladii, qaraabadii, Ciidamadda Puntland iyo qoyskii uu ka geeriyooday.