Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa maanta magaalada Boosaaso si rasmi ah uga furay tababar ku saabsan nidaamka casriyeynta xogta caafimaadka ee gobolka Bari. Sidoo kale, wasiirka ayaa goob joog ka ahaa wareejinta qalab loogu talagalay xarumaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso
Ujeeddada tababarka ayaa ah in lagu horumariyo adeegyada caafimaadka isla markaana lagu tayeeyo nidaamka ururinta iyo kaydinta xogta caafimaadka. Qorshaha Wasaaradda Caafimaadka, oo uu hogaaminayo Wasiir Qorshel, ayaa ah in dhammaan xarumaha caafimaadka ee ku yaalla deegaanada Puntland lagu soo kordhiyo nidaamkan cusub ee xogta dijitaalka ah.
Wasiirka oo hadal ka jeediyey furitaanka tababarka, ayaa ku dhiirrigeliyey shaqaalaha caafimaadka inay si masuuliyad leh u ilaaliyaan qalabka cusub, tababarkana si buuxda uga faa’iidaystaan.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay Dr. Cabdullaahi Cismaan Dharaar, isku-duwaha ku-xigeenka caafimaadka gobolka Bari oo ah ku-simaha isku-duwaha guud, kaas oo isna dardaaran u jeediyey ka qaybgalayaasha isla markaana si rasmi ah ula wareegay qalabka loogu talagalay nidaamka casriyeynta xogta.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Tababare Axmed Maxamed Jaamac oo ka socday Wasaaradda dhexe ee caafimaadka, isaga oo wareejiyey qalabkii loogu talagalay xarumaha caafimaadka ee Boosaaso.
Tababarkani wuxuu qayb ka yahay dadaallada socda ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland ku doonayso in lagu casriyeeyo adeegyada caafimaad iyo maaraynta xogta bulshada, si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo hufan, sax ah, isla markaana la jaan qaadaya nidaamka casriga ah.
DHAMMAAD
































Xafiiska Warfaafinta – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland